5 Shaqo Oo Culus Ayaa Hor-yaalla Kooxda Barcelona.

0
255
0 0
Read Time:1 Minute, 2 Second

Dad badan ayaa u maleynaya in waayihii quruxda badnaa ee kooxda Barcelona uu soo dhamaaday. waxaa la aminsan yahay in kooxdu ay ku dhibtoonayso suuqa xagaagan.

Kooxda wax caqabad lama kulmi doonto marka uu furmo suuqa kala iibsiga, laakin waaxda farsamada ee Camp Nou ayaa heysata shan shaqo oo deg deg ah oo ay ku dhameystiri karan sida ugu dhaqsiyaha badan, oo ka bilaabmayo heshiisyo cusub iyo saxiixyo.

Seddex ka mida shanta shaqo ee hor yaala kooxda Barcelona waa heshiis kordhin, waana xiddigaha Marc Andre ter Stegen, Lionel Messi iyo Ansu Fati.

Halka labada shaqo ee hor yaalla kooxda ay tahay saxiixyo waana xiddigaha kala ah Memphis Depay iyo Eric Garica.

Messi laacibka kooxda Barcelona ayaa kadhega adeegaya inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa, wuxuuna dhowr jeer oo hore ku hanjabay inuu dhabarka aadinayo kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.

Sidoo kale Goolhaye Ter Stegen ayaa qudhiisa ka caga jiidaya inuu qalinka ku duugo heshiis cusub, walow kooxda ay wado da`daalo ay xiddiga kaga saxiixanayso heshiis cusub.

Ansu Fati waa mid ka mida xiddigaha usoo baxay kooxda Barcelona, waxayna kooxda qorsheyneysa inay heshiis ka saxiixato.

si kastab ha ahaate Barcelona ayaa bisha janaayo sameynaysa howlgalo adag oo ay wax kaga badalayso dhibaatada kooxda ku habsatay waayihi dambe.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %