spot_img
spot_img

3 askari kenyan ah oo lagu dilay degmada Ceelwaaq.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka Ka imaanaya Deegaan hoostaga degmada Ceel Waaq ayaa sheegaya in rabshado xalay ka dhacay degaanka lagu dilay Macalin Dugsi Qur’aan iyo laba arday.

Macalinka ayaa la sheegay inuu ku sugnaa xiliga la dilayay dugsi Qur’aanka,islamarkaana ay goobta yimaadeen ciidamo ka tirsan Kenya kadibna ay halkaasi ku jirdileen macalinka iyo labada arday.

Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in Ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen Macalinka dugsi Qur’aanka iyo ardayda la joogtay.

Macalimka la dilay ayaa Waxaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aways,iyadoona labada arday ee kale la dilay ay isla dhasheen,waxaana lagu kala magacaabi jiray  Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan.

Intaa kadib shacab aad u careysan ayaa waxaa la sheegay in Baangado ay ku dileen 3 ka mid ah ciidamada Kenya,islamarkaana ka shaqeynayay dhagax qodista.

Xaalada degmada Ceelwaaq ayaa saakay lagu soo waramaya in ay tahay mid degan,kadib rashado ka dhacay.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!